The People of Freedom

Dumarku Waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed 

In by PenDrIbrahim on February 7, 2022 at 12:07 am

By Human RIGHTS Consultant

Qalin Dr. Ibrahim Online


Moment Media Group | Cadaw ma laha oo Dumarku waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwa dhaliya xiriirka ehelnimo iyo isku dhafka bulsho. Waa macallinka afbara ubadka, haddana barbaariya. Waa ilaaliyaha Hantida iyo hab-waanaag Maamulka Qoyska. Waa kalkaaliyaha ragga iyo taakulaynta deriska. Maaraynta hufan, bilicda san iyo baraaraha qoysku gaaro iyagaa dhaliya, haddana ammaanta raggaa isa siiya. Sidatanu xaq-soor bulsho ma ahan ee caddaalad-xumada dumar lagu hayo dib haloogu noqdo

Bulshada & Meekhaanka Dumarka

Dumarku waa udub-dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Kala guursashada iyo xididnimada ayaa ummadda isaga dhiga ul iyo diirkeed, iyagaana ammaantaas iska leh. Gabadhu beel way ka dhalataa mid kale way u dhaxdaa ayadaana gunudda xiriirka laba qoys, labo reer iyo labo beelood. Hormuudnimada hooyada waxaa markhaati cad u ah inay jiraan beelo ku abtirsada magacii hooyadood, haddana beel kale kasoo jeedday. Isir-wadaaggu ma dhinto oo muddo dheer buu soo taxnaadaa, wax badan ayaana laysugu taraa. Abaalka dumar bulshada u galo ma loo tixgeliyaa?

Dumarka & Halgankii Xornimo doonka

Dumarku xubno kuma lahayn dhallinyaradii 13kii SYL oo Hoggaanka u hayey gobonimadoonkii lagu guulaystay, haddana halgankoodu halkaas kama maqnayn. Xilqaadnimada iyo xaas-walwaalidnimada qoyska ka sokow, Qayb libaax baa dumarku ka qaateen halganka gobonima doonka oo qaatay muddo 17 Sano. Dhiiggoodii, waqtigoodii iyo hantidoodii bay u hureen waana dhaliyeen goolkii xornimada. Haddii dumar halgankaas ka maqnaan lahaa, haddii abaabulkooda iyo mashxaraddoodu goleyaasha SYL ka jiri lahayn, haddii caraadintooda iyo taakulayntoodu ay gaabin lahayd, gobanimadooniddu ma laxaadsateen. Libinta gobanimada lagu dhaliyy rag gaar uma ahay ee waa la wadaagay ee sidaas maloo qeexay?

Xornimadii Soomaaliya: Lix dhacdo iyo 60 kii sanno ee la soo dhaafay

In by PenDrIbrahim on March 5, 2021 at 1:20 pm

PenDrIbrahim – March 4 2021

Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii
Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii

Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse weli maka fakartay kii loo galay in dhidibada loo aaso, lana xajisto madaxbannaanidii la heley iyo ka shaqaysiinta nidaamka dowladnimo.
Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan, ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha.
Lixdankii sanno ee ay Soomaaliya xornimada haysatay waxaa hayaanka geediga hadba caynaanka u dhuujinayay ama u dabcinayay dhacdooyin waaweyn, oo aan ka xusi karno lix saamayntooda kaliya aanan taariikhda ku xardhanayn ee sidoo kale yeeshay raadad aanan ka tirmi doonin nolosha jiilal badan.

1. Dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo Curashadii kacaanka

Sagaal sano oo kaliya ka dib xoriyaddii, markii ay Soomaaliya ku naaloonaysay xasilooni siyaasadeed oo ku dhisan nidaam dimoqoraadi ah oo sanduuqa lagu kala boxo, waxaa dhacay wax lama filaan ah, kaas oo ah dilkii magaalada Laascaano loogu geystay madaxweynihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma’arke.
Cabdirashiid Cali Sharma’arke, madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ka dib xoriyaddii 1960-kii.
Hal tacshiirad oo ka dhacday gobolka Sool ayaa gilgishay guud ahaan geyiga Soomaalida, waxayna afgembi u riddey xukunkii rayidka ahaa ee dalka ka jiray.
Axmed Cabdi Laangare wuxuu ahaa ku xigeenka duqa magaalada Laas Caanood xilliga madaxweynaha la dilayay 16-kii bishii October ee sannadkii 1969-kii, wuxuuna arkayay sidii ay wax u dhaceen. 
Axmed waxa uu sheegay in ay horeyba ay usii jirtay hadal-haynta in madaxweynaha lagu dili karo Laascaanood, wuxuuna yiri: “Markii uu soo dagay, dadkii soo dhoweynayayna uu salaamay, markii odayaashii uu la kulmay, waxaa la weeydiiyay, ‘Cabdirishiidoow ma waxaa lagugu yiri Laascaanood baa lagugu dilayaa?’, wuxuuna ku jawaabay, ‘Illaahbaa wax dila, haddii ay taydii tahay, nin kalaa i badelaya”. 
Axmed Laangare oo hadda nool ayaa sidoo kale sharaxay qaabkii uu dilka u dhacay, wuxuuna yiri: “Markii aan soo aadnay dhankii gurigii martida, askariga waxa uu taagnaa albaabka guriga, markii madaxweynaha uu gaariga ka soo dagay ayuu rasaasta ku furey. Askari madaxweynaha la socday ayaa qoriga kula dhagay, wuxuuna ninkii ku qeyliyay weey igaga fakatay, weey igaga fakatay”.
“Kaliya madaxweynaha lama dilin, ee sidoo kale waxa ay u egtahay in xitaa la tirtiray raadkii dambigii weynaa ee dhacay”, sida uu ku doodayo Dr Saadaq Eenoow oo qoraalo taariikheed ka sameeyay dilkii madaxweynaha. 
Wuxuu sheegay in saddex nin oo mid xeer illaaliyihii guud yahay, Garyaqaan Cabdi Faarax Baashane, nin booliis ah, Gaashaanle Xirsi Cusmaan Keenadiid iyo nin ka tirsanaa laantii dabagalka dambiyada xilligaas ee Gaashaanle Dhexe Faarax Sugule, in raggaas labo ka mid ah siyaabo kala duwan oo shaki leh ay u dhinteen, midna uu xabsiga ku raagay muddo dheer.

Taariikhda SYL Billow illaa Dhammaad 

In by PenDrIbrahim on November 15, 2021 at 11:52 pm

Mon Nov 15,2021 – THE PEOPLE OF FREEDOM BY Virtual Event Consulting 

Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhallinyaro Kala Fikir ah: 

Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu  u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo  Aways  iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo  iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura.

Dalka Sidee Buu Ahaa:

Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal  ayaa laga raaci jiray,  shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho.

Dastuurkii SYL:

Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:

-In Soomaaliwayn la isu raadiyo,

-Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado.

-In dadka wax la baro.

Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa:

-Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

-Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen

-Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL