thepeopleoffreedom

Soomaaliya Iyo Itoobiya, Ma Cadaw Mise Saxiibo?!! (Runta halkan ka Ogow)

In Moment Research & Consultancy on September 6, 2017 at 4:00 pm

IMG_9957Soomaaliya Iyo Itoobiya, Ma Cadaw Mise Saxiibo?!! (Runta halkan ka Ogow)


Greater Somalia – In kasta oo ay jiraan dad ay dhibeyso xusidda loolanka iyo cadawtinnimada taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, in kasta oo ay dadka ku nool gobollda Soomaali galbeed ku doodayaan in ay yihiin Itoobiyaan, In kasta oo dowladaha iyo labada maamullada ee hadda jira uu xiriirkoodu wanaagsan yahay, Laakin taasi kama dhigna xaqiiqda oo dhameystiran, waxaa jiray, oo hadda jira ama jiri donna loolan iyo cadawtinnimo Taariikhiga ah oo labada dhinac ah!

In Soomaaliya aaney illaa iyo hadda xad rasmi ah la laheyn Itoobiya iyo Kenya, waxaa ay daliil cad u u tahay loolanka heerka uu gaarsiisan yahay, Soomaali galbeed, NFD, Djibouti waxaa ay ka mid yihiin dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha Yurub, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Waxaa Berlin lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyay Shan: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo weli ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djibouti qeyb ahaan loo siiyay dalka Faransiiska.

Gacan-gelinta todobaadkii tagay ee Cabdikarim Qalbi-dhagax waxaa ay dib u soo nooleysay firkadii Pan-Somalism(Somaliweyn), hadalka Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo odoyaasha deegaankaasi ee ah in ay yihiin Itoobiyaan waxaa ka dhashay dood, qaar ka tirsan Soomaalida waxaa ay qabaan in laga soo gudbay Somaliweyn halka qaar kale ay rajo ka qabaan in Soomaali isu timaado, Laakin taasi nama ilowsiineyso in Xabashida ay tahay cadaw taariikhi ah.

Advertisements

XISBIGA XURIYADDA ( THE PEOPLE OF FREEDOM )

In Moment Research & Consultancy on June 12, 2016 at 4:06 am

READ MORE : GREATER SOMALIA
HalgankiiXisbigaSYL


image

 

imageMadaxa Xisbiga Xuriyadda oo hambalyo ku aadan 1-Luul iyo u diraya shacabka Soomaaliyeed


Madaxa Xisbiga Xuriyadda ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii ka soo wareegtay 1-da Luuliyo 1960 u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.

“Anigoo ku hadlya magacayga, kan Xisbiga Xuriyadda iyo waxaan hambalyo hawada u marinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba. Waxaa leeyahay Hambalyo waa maalintii laga xoroobay gumaysitihii Talyaaniga, waana midowgii waqooyi iyo koonfur,” ayuu yiri Madaxa Xisbiga Xuriyadda o dhanka kale sheegay in maalmo ka hor loo dabaal dagay 26-ka Juun 1960 oo ahayd maalintii ugu horeysay ee six or ah calanka dalka looga taago ciida Soomaaliya.

IQRA: Read More: Halgankii Xisbiga S.Y.L.

The People of Freedom

In Moment Research & Consultancy on June 12, 2016 at 4:04 am

image

 

 

Xusuusta Xoriyada | 26. Jun
HalgankiiXisbiga SYL

Sunday 26 June 2016 – Moment Media Ethics – Shucuubta Dowladaha Adduunka waxey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah leh oo u leh xusuus iyo Taariikh u gooni ah oo ay ku weyneeyaan isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo Xaflado looga sheekaynayo Qiimaha iyo Qadarinta ay u leedahay Ummadaasi.

Hadaba Soomaaliya 56 Sanadood kadib waxay u dabaal dagi laheyd Sanad Guuradii ka soo wareegtay waqtigii Calanka xornimada laga qaatay gumeestayaashii reer Galbeedka, 56 ka hor waxaa halkaas ku soo dhamaaday oo soo gabagaboobay halgankii gobonimo u diriirka Soomaaliyeed oo soo bilowday qarnigii 16aad.

IQRA READ MORE: Xusuusta Xoriyada | 26. June 19 60